Xarunta xisbiga Mubaarak oo la gubay

Masar Lahaanshaha sawirka Reuters (audio)
Image caption Masar

Kumayaal Masaari ah oo bannaan baxaya ayaa jebiyay amarkii bandow lagu soo rogay magaalooyinka waaweyn.

Bannaanbaxyo aan hore iyaga oo kale Masar loogu arag oo dowladda Mubaarak looga soo horjeedo ayaa socda maalintii afraad.

Waxaa la gubay xarunta xisbiga NDP ee Madaxweyne Mubaarak.

Booliiska Masar ayay isku dhaceen kumanyaal dhigaya bannaanbax ka soo horjeeda dowladda.

Waxay dadku dalbayaan in Madaxweyne Mubaarak uu xilka ka dego.

Mubaarak wuxuu Masar u talinayay 30 sano.

Caasimadda Qaahira iyo magaalada dekedda ah ee Alexandria, boolissku waxay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas rabar ah si ay dadka u kala erido ka dib markii ay ka soo baxeen salaadda Jimcaha.

Rabshadahani waxay daba socdaan saddex maalmood oo ay socdeen rabshado aan ayaga oo kale hore loogu arag Masar oo ay ku dhinteen 8 ruux.

Dowladdu si ay arrimahan uga hortagto waxay mar joojisay adeegyada telefoonka gacanta iyo internetka.

Sharikadda Vodaphone ayaa sheegtay in dowladdu aty amar ku siisay dhammaan sharikadaha Isgaarsiintu in ay xiraan adeegga telefoonka gacanta.