Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faalooyin cayaaraha England, FA cup, Africa Championship iyo horyaalka Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka AP

Maadaama aysan jirin cayaaro si toos ah u quseeya tartanka England Premiership, oo la cayaarayay tartanka FA cup-ka, ayaa barnaamijka intiisa badan aanu kaga hadalnay qaybo kala duwan oo cayaaro kubadda cagta ah.

Waxaanu barnaamijka kaga faaloonay guud ahaan tartanka England Premiership, cayaaraha ee FA cup ee Sabtida la cayaaray iyo sidoo kale cayaaro kubadda cagta ah oo la xiriira Africa, gaar ahaanna horyaalka 36-aad ee kubadda cagta oo si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kooxda Zamalek ee dalka Masar oo garoonka Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi 4-0 uga badisay kooxda Ulinzi ee dalka Masar.