Mubaarak waa laga gilgishay

Dad bannaanbaxaya Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dadku waxay weydiisanayaan in Madaxweynuhu is casilo

Kumanyaal Masaari ah ayaa weli ku bannaan baxaya magaalada caasimadda ah ee Qaahira, ayaga uu weydiisanaya Madaxweyne Xusni Mubaarak in uu xilka ka dego.

Ciidankuna waxay kordhiyeen saacadaha bandowga.

Laga billaabo afarta galabnimo ilaa iyo siddeedda subaxnimo ayay amar ku bixyeen in magaalooyinka Qaahira, Alexandria iyo Suez aan qofna dibad u soo bixin.

Bandowga waxaa lagu dhawaaqay saacado yar ka dib markii Madaxweyne Mubaarak uu kala diray dowladda.

Mohamed ElBaradei, oo ah siyaasi mucaarad ah ayaa yiri Mubaarak waa in uu is casilaa ama uu caddeeyaa inuusam mar kale isu taagi doonin doorasho.