Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir-madaxeedka Midowga Afrika ee Addis Ababa

Image caption Shir-madaxeedka Afrika ee Addis Ababa

Madaxweynayaasha dalalka Afrika ayaa ku shiraya magaalada Addis-Ababa, waxaanay diiradda Saarayaan oo ay Qaada-dhigayaan, Qalalaasaha xagga Siyaasadda ee ka aloogan Qaaradda oo ay ku jiraan dhibaatooyinka ka taaghan dalalka Masar, Soomaaliya iyo Ivory Coast.

Xog-hayaa guud ee Midoowga Afrika, Jean Ping, mar uu hadlay waxaa uu sheegay in ciidamada Aftrikanka ah ee jooga Soomaaliya ay diyaar u noqon-doonaan in ay dagaal ku qaadaan kooxaha Mintidiinta ah ee doonaya in ay afgemmbiyaan dawalada Soomaaliya haddii, buu yiri h, uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu sidaas Amar ku bixiyo.