Jean Ping : Dowladda waxba ma qaban

Gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika Jean Ping

Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Jean Ping ayaa sheegay in Dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya iay ku guuldaraysatay inay wax qabato.

Mr Ping ayaa ka hadlay shir gaar ah oo Soomaalida looga hadlayay, wuxuuna sheegay in ay dowladda ku guul daraysatay inay nabad samayso iyo in ay adeeg u qabato bulshada Soomaalida.

Laakiin Jean Ping wuxuu sheegay inay dowladda la saxiixday heshiis Ahli Sunna ayna gar gaar dheeraad ah waydiisatay.