In kabadan shan iyo toban oo lagu dilay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay iska hor imaad dhex maray ciidammada dowladda Soomaaliya dhexdooda.

Iska hor imaadka waxaa ku dhintay ugu yaraan shan iyo tobban rayid ah

Goob dadku ku badan yahay oo isgoys ah - waa isgoyska Isbitaal Banaadir, ciidan ka wada tirsan dowladda ayaa aad isu xabbadeeyay ka dib markii hal askari ay isla ayagu dileen.

ku dhawaad lixdan ruux ayaa ayagana ku dhaawacmay.

Qoryaha la adeegsatay waxaa ka mid ah qoriga lidka hawada ee loo yaqaan Zu.