Mudaaharaadyada Masar oo wali socda

Mudaaharaadyada Masar Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Bari ayaa la filayaa in hal milyan oo qof ay isugu soo baxaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda

Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay duulimaadyada diyaarada ee Egypt Airline waqtiga aan la socon karin ee u dhaxaysasadexda galabnimo iyo siddeeda subaxnimo, sidoo kale tareenada ayaa waqtigaa la joojiyay.

Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii ay dadka mudaaharaadaya ku baaqeen in bari hal malyan oo qof inay isugu imaadaan Qaahira.

Boliiska ayaa maanta lagu amray inay ku soo noqdaan jidadka qaar magaalada qaahira, kadib markii ay ka tageen jidadka jimcihii, waxaana loo sheegay inay la shaqeeyaan Askarta.

Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak ayaa ku sameeyay isbadallo dowladdiisa, iyadoo laga cabsi qabo in mudaaharaadka ay wax u dhimaan dhaqaalaha .

Waxaa la badalay wasiirkiii maaliyada Yusuf Butras Ghali. Talaabadan ayaa ka danbaysay ka dib markii Hayadda qiimaysa tayada wadamada daynta la siinayo ee Moody ay hoorsu dhigtay darajada la siiyo Masar dhaqaalaheeda.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa la badalay, isagoo ay dadka dhaleeceeya ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyay sida ay boliiska ula dhaqmeen dadka mudaaharaadaya.