Milyan la filanayo inay soo baxaan Masar

Hal milayan oo qof ayaa la filayaa maanta inay soo baxaan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hal milayan oo qof ayaa la filayaa maanta inay soo baxaan dalka Masar

Boqolaal kun oo dadka reer Masar ayaa mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda qabanaya, iyagoo rajaynaya inay milyan qof ay soo baxaan maanta si ay culays u saaraan madaxweyne Husni Mubaarak inuu xukunka ka dago.

Dadka banaanbaxaya ayaa isugu imaanaya magaalooyinka Qaahira iyo Alexandaria.

Wariyaha BBCda ee Qaahira ayaa sheegqaya in dadka reer Masar badankood ay aamninsan yihiin in Mubaarak waqtigisii uu dhamaaday.

Dadka mudaaharaadaya ayaa waxaa guubaabiyay ciidanka oo ku dhawaaqay inaysan dadka xoog u isticmaali doonin.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka Frank Wisner ayaa jooga Masar si uu ula kulmo Madaxweyne Xusni Mubaarak oo uu ugu sheego fariinta Maraykanka ee ah in loo baahan yahay is badal dhab ah.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa u qabtay shir dad ku xeel dheer sidii looga bixi lahaa dhibaatada siyaasadeed ee Masar. Mid ka mid ah xeel dheerayaasha ayaa sheegay in Maraykanka uu la wareersan yahay sidii loola dhaqmi lahaa Madaxweyne Xusni Mubaarak oo diidan inuu xukunka ka dego.

Wariyaha BBC ee Washington ayaa sheegay in Maraykanka uu aaminsan yahay in Xusni Mubaarak uu xukunka ka dego, ciidankana ay wadanka la wareegaan ilaa intii laga qabanayo doorasho.

Laakiin Madaxweyne Obama ayaan aaminsanayn in ay fiican tahay in Maraykanka uu warbaahinta ka sheego inuu rabo in Mubaarak uu xukunka ka dego.