Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiirka amniga Puntland oo u digay Somaliland

Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray dagaalladii ka dhacay degaanka Buuhodle ee dhexmaray malleeshiyo beeleed halkaas ku dhaqan iyo ciidanka Somaliland iyo rabshado shalay ka dhacay magaalada L/caanod.

Puntland waxay sheegtay in aysan doonayn dagaal ay la gasho Somaliland, hase ahaatee cawaaqibka arrimahaas ka dhasha uu dusha u ridan doono maamulka Somaliland.

Wasiirka amniga Puntland, Yuusuf Axmed Khayr, oo arrimahaas uga warrmay weriyaha BBCda Axmed Maxamed Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay dareenka ay dawladda Puntland ka qabto iska hor-imaadyada degaanka Buuhoodle ka dhacay.