Siddeed qof ayaa ku dhintay muddaharaadyada Masar

Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay rabshadaha ay bilaabeen taagerayaasha Xusni Mubaarak

Dadka mudaaharaadaya ee ka soo horjeeda dowladda Masar ayaa adkaynaya ammaanka bartamaha Qaahira meelihii ay joogeen, kadib markii shalay iyo xalay ay dhexmareen iska hor imaad fagaaraha Taxriir Square dad taageersan dowladda iyo dad ka soo horjeeda dowladda.

Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhintay 890 qofna waa ay dhaawacmeen sidaasna waxaa sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Masar.

Xabado,dab iyo dhagxaan ayay isku tuureen dadka ka qayb gelaya muddaharaadyada iska soo horjeeda.

Dowladda Masar ayaa beenisay inay soo abaabushay muddaharaadyada dadka madaxweynaha taageersan ay rabshadaha kala hortageen mucaaradka oo iyagu dalbanaya in madaxweyne Xusni Mubaarak uu dhaqso xukunka uga dego.