Baarlamaanka Soomaaliya oo kororsaday waqtiga

Baarlamaanka Soomaaliya
Image caption Baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho wuxuu kororsaday waqtiga muddo saddex sano ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Hassan Adan oo guddoominayey fadhigi maanta ayaa sheegay in ay joogeen fadhiga afar boqol soddon iyo shan xildhibaan, ayna muddo kordhinta ansixiyeen afar boqol iyo labaatan iyo kow xildhibaan.

Waqtiga Baarlamaanka hadda jira wuxuu ku eg yahay bisha August ee sanadkan 2011, sida uu dhigaayo heshiiskii lagu soo dhisay Dowladda.