Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cambaareynta Talyaaniga iyo Midowga Yurub ee baarlamaanka Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka AP

Baarlamaanka Soomaaliya oo dhowaan muddo kordhin ku sameeyey xiligiisii ku ekaa bisha Agoosto ee sanadkan ayaa waxaa loo soo jeedinayaa Cambaarayn ay beesha caalamka uga imanaysa. Safiirka Dowlada Talyaaniga ee arrimaha soomaaliya iyo weliba xafiiska Midowga Yurub ayaa hadda war qoraal ah ka soo saaray Muddo kordhinta ay samaysteen Xubnaha golaha Baarlamaanka, waxayna sheegeen inaysan dan Soomaaliyeed ku jirin tallaabadaas baarlamaanku qaaday.

Dowladaha iyo ururrada caalamiga ah waxay kaloo sheegeen in tallaabadaas aan iyaga lagala tashan, ayna tahay wax laga xumaado in baarlamaanku iska dhegatiro talooyin ay u soo jeediyeen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dowaldaha daneeya arrimaha Soomaaliya.