73 Burcad-badeed ah ayaa ku jira xabsiyada dalka Yemen

Burcad-badeed Soomaaliyeed Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burcad-badeed Soomaaliyeed

Ninka maanta la xukumay waxaa la sheegay in lagu helay inuu galay fal burcadbadeednimo, waxaana lagu xukumay shan sano oo xabsi ah. shanta la sii daayeyna waxaa la ogaaday inay ahaayeen dhallinyaro kalluumaysato ah.

Sannadidihii ugu dambeeyay maxkamadaha hoose ee dalka Yemen waxay dembiyo burcad-badeednimo ku xukumeen 73 nin oo Soomaali ah, kuwaas oo xukunnada ku dhacay ay isugu jiraan dil toogasho ah, xabsi daa'in iyo xukunno dhaadheer oo gaaraya ilaa 20 sano. weli midkoodna xukun dil ah laguma fulin, waxayna sugayaan inay racfaan qaataan oo maxkamad heer gobol ah la hor geeyo.

dadkaasi waxay ku jiraan xabsiyada magaalooyinka: Sanca, Cadan iyo Mukallah.