Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ku saabsan Soomaaliya

Image caption Maxamed Cabdillaahi Curmar

Dalkan Britain waxaa maalmahan ka socday shir lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaana ka qayb gelaya dowlada ku-meel gaar-ka ee Soomaaliya, maamul-goboleedka Puntland iyo Somaliland. Waxaa shirkan qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo common wealth-ka ee Britain, waxaana uu ka socdaa xarun ku taalla meel u dhow magaalada Brighton ee Ingiriiska.

Waa markii ugu horreysay ee Somaliland ka soo qayb gasho shir noocaan oo kale ah oo lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya tan markii ay gooni isu-taagga ku dhawaaqeen sanadkii 1991-kii, hase ahaatee wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaa uu BBCda u sheegay inaan waxba iska beddelin mowifka dowladdiisa ee ka bixidda midnimada Soomaaliya.

Waxaa kaloo shirkan ka qayb gelaya dowladaha, ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana diiradda la saarayaa waxa ka dambeyn doona marka uu dhammaado xilliga dowaldda ku-meel gaarka ah bisha August ee sanadkan.