Turki oo xirtay 70 soo-galooti sharci darro ah

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ilaa 70 qof lagu soo qabqabtay howlagal ay ciidamada amnigu fuliyeen.

Ciidamada amniga Turkiga, ayaa sheegay in ay soo xireen maalintii Isniinta dadka oo looga shaki qabo in ay yihiin soo galooti sharci darro ah.

War lagu daabacay bogga internet-ka dowladda Turkiga, ayaa taliyaha ciidamada Turkigu uu sheegay in soo galootiga sharcidarada ah lagu soo kala qabtay howlgallo kala duwan oo ciidamadu ka fuliyeen gobolka Edirne ee waqooyiga galbeed ee dalka, Gobolka Adana ee Koonfurta iyo gobolka Bariga ee Agri maalintii Isniinta.

Waxay intaas ku dareen in soo galootiga sharci darada ah ay ka kala yimaadeen Myanmar, Falastiin, Soomaaliya, Iran, Afghanistan iyo Eritrea.

Waxaa ciidamada amnigu intaas ku dareen in ay dadkan dib loogu celin doono dalalkooda kadib marka si rasmi ah loo baaro xaaladooda.

Dalka Turkiga, ayaa in muddo ah wuxuu ahaa goob ay soo maraan dad soo galootiga ah ee ku yimaada Africa ee soo mara carabta si ay uga sii gudbaan Giriiga.

Inta badan dad soo galootiga ah ayaa yoolkooda kama dambaysta ah uu yahay in ay iska dhiibaan Yurubta galbeed si ay nolol wanaagsan iyo shaqo uga helaan.

Hase yeeshee, qaar badan ayaa dhibaatooyin badan ka qabsadaan dhinaca sharciga taasoo u keenta in ay niyadjab iyo nolol aan wanaagsanayn ku noolaadaan dalalka qaar.