Mubaarak oo laga yaabo in uu is casilo

Xoghayaha Guud ee xisbiga haya talada dalka Masar ayaa BBC u sheegay in la filayo in Madaxweyne Mubaarak oo caawa la hadlo shacabka Masar.

Xoghayaha Guud, Hossam Badrawi, waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in Madaxweyne Mubaarak oo xilka ku wareejin doono Madaxweyne Ku Xigeenka, Omar suleiman.

Badrawi wuxuu yiri tallaabada saxda ah ee Madaxweynaha la gudboon waa in uu xilka ka dego.

Washington ayaa Madaxa hey'adda sirdoonka Mareykanka (CIA), wuxuu sheegay in ay aad ugu eg tahay in Madaxweyne Mubaarak uu maanta xilka ka degi doono.