Markab loo malaynayo in ay qabsadeen burcad-badeed

Lahaanshaha sawirka AFP

Burcad badeed Soomaali ah ayaa laga shaki qabaa in ay afduubteen markab xamuul oo laga leeyahay Malta, oo ay saaran yihiin labaatan iyo sadex iyo labaatan shaqaale ah.

Waxaa laga afduubay xeebaha Cumaan.

Ciidamada badda Midowga Europe ayaa sheegay in in markabka, MV Sinin uu u weecday dhinaca Soomaaliya kadib markii uu qaylo-dhaan soo dirsaday Sabtidii oo uu sheegay in la weeraray.

Ciidamada badda midowga europe waxay sheegeen in isgaarsiintii markabka la waayay wixii markaa ka dambeeyay, waxaaana dushiisa lagu arkay doomo loo malaynayo in ay burcadbadeed leeyihiin.