Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

27 sano ayaa laga joogaa dhacdadii Wagala

Lahaanshaha sawirka AFP

Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa maanta la filayaa in uu magaalada Wajeer kaga qaybgalo sanadguurada 27-aad ee ka soo wareegtay waxa lagu tilmaamay xasuuq oo ka dhacay deegaanka Wagala ee duleedka magaalada Wajeer.

Dhowr kun oo qof ayaa lagu qisaayaa in ay dhinteen sanadkii 1984-tii markii ciidamada dalka Kenya ay isugu geeyeen garoonka diyaaradaha Wagala dadwayne ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo kadibna la sheegay in ay kula kaceen gaboodfallo kala duwan, oo dil, garaac, kufsi iyo xarig xukun la'aan ah isugu jira.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC Bashkas Jug-soo-dhacayDadka qaar intii badbaaday ayaa kadib baabuur lagu daadgureeyay oo lagu daadi'yay goobo fog oo go'doon ah, haalkaas oo intooda badan baahi iyo dhaawacyo ay qabeen ugu dhinteen, iyadoo qaar uu la sheegay in waraabe uu cunay.

Dhacdadaas, oo in badan ay ku tilmaameen xasuuq ayaa qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday ay BBC uga warameen dhibaatada soo gaartay iyaga iyo ehelkoodaba.

Warbixintan waxaa ku jira sharaxaad naxdin leh oo ay dhici karto in dadka qaar aysan xamili karin.