Ilaa 50 Soomaali ah oo ku dhintay Mozambique

Lahaanshaha sawirka AP

Booliiska dalka Mozambique ayaa sheegay in ilaa konton qof oo Soomaali ah soo galooti ah ay dhinteen kadib markii doon ay ku safrayeen ay kula degtay xeebaha dalka Mozambique toban maalmood ka hor.

Afhayeen u hadlay Booliiska ayaa sheegay in kabtanka doon Tanzania laga leeyahay uu sidoo kale dhintay markii doontu ku degtay jasiiradda Suhavo ee waqooyiga Mozambique.

Dadka badbaaday oo lagu qiysaasay ilaa sideetan Soomali iyo Ethiopian ah ayaa la geeyay xero qaxooti oo ku taalla gobolka Nampula ee gudaha dalka Mozambique.

Weriyayaasha ayaa sheegay in Mozambique ay noqotay waddo dadka soo galootiga ah ay sii maraan.

Waxaa dadkaas ka mid ah Soomaali, Indian iyo Chinese oo isku dayaya in ay gaaraan dalka Koonfur Africa oo ah dadka ugu dhaqaalaha badan Africa.