Tartanka England Premiership ee todobaadkan

Caawa waxa kulmaya kooxaha Birmingham and Newcastle.

Isniintii kooxaha Fulham iyo Chelsea way kala badin waayeen. Waxayna kala qaateen dhibic iyo dhibci.

Chelsea waxay tagtay 25 dhibcood oo kooxda shanaad, halka Fulhan ay tagtay 31, iyadoo joogta isla booskeedii oo ah 12-aad.

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Cayaarihii Axadda

Axaddii hal kulan oo kaliya ayaa la dheelay.

Wuxuu dhexmaray kooxaha Bolton iyo Everton.

Waxay cayaartan ku dhamaatay 2-0 ay ku badisay kooxda Bolton.

Waxaa lagu cayaarayay garoonka kooxda Bolton.

Goolka koowaad waxaa daqiiqadii 10-aad u dhaliyay Bolton Gary Cahil.

Cayaaryahanka Daniel Sturridge ayaa goolka labaad ku quusiyay kooxda Bolton daqiiqadii 67-aad.

Kooxda Bolton, ayaa hadda ku jirtay booska 8-aad liiska dhinaca kala horaynta waxay leedahay 36 dhibcood, waxaa 1 dhibic ka saraysa kooxda Sunderland oo leh 37 dhibcood.

Cayaarihii la dheelay Sabtidii.

Lahaanshaha sawirka a

Manchester United iyo Manchester City ayaa ku kulmay garoonka Old Trafford.

Waxaa uu ahaa kulan xiisa leh iyadoo labada koox ee isku magaalada ah uu ka dhexeeyo xafiiltan gaar ah.

Cayaarta oo daqiiqadii 41-aad ee qaybta hore uu gool u dhaliyay cayaaryahanka Nani kooxda Manchester United, ayaa Kubadda uu soo laaday Zeko oo ku sii dhacday Silva ay shabaqa gashay, iyadoo goolkaas loo qoray Silva.

Hase yeeshee, goolka la yaabka lahaa ee ilaa hadda laga sheekaynayo waa kan uu dhaliyay Wayne Rooney ee kooxda Manchester United.

Manchester United ayaa 2-1 kaga badisay. Goolka guushana wuxuu ahaa goolkaas qaabka qalaama-rogadka uu ku dhaliyay daqiiqadii 78-aad Wayne Rooney.

Lahaanshaha sawirka AFP

Cayaaraha kale ee Sabtidii Tottenham waxay 2-1 uga badisay kooxda Sunderland oo goolka kaga hormartay iyadoo lagu cayaarayay garoonka kooxda Sunderland.

West Brom waxay sadex gool kaga hormartay West Ham oo sadexda goolba ay dhasheen qaybtii hore ee cayaarta, balse West Ham ayaa sadexda goolba iska soo gudday markii nuskii dambe la isugu soo laabtay cayaarta.

Waxaa u dhaliyay goolka barbardhaca cayaarta 7 daqiiqo ka dhiman tahay cayaaryahankooda Ba.

Liverpool waxay barbardhac 1-1 la gashay Wigan, sidoo kale Blackpool iyo Aston Villa ayaa 1-1 ku kala baxay.

Blackburn iyo Newcastle iyaguna wax goolal ah ma kala dhalin.

Birmingham ayaa 1-0 ku tuntay kooxda Stoke.

Arsenal-na 2-0 ay ku quusisay kooxda Wolverhampton.

57 dhibcood ayaa Machester United ay ku hogaaminaysaa tartanka, Arsenal oo booska labaad ku jirtay ayay ka horaysaa 4 dhibcood.

Halkan Manchester City oo hal kulan dheer labadan koox ay 4 dhibcood iyadana ka hoosayso Arsenal, oo 49 ayay leedahay.

Haseyeeshee, booska afaraad Tottenham ayaa ku jirta oo 2 dhibcood ka hoosaysa Manchester City inkastoo Man city ay 27 kulan dheeshay balse Tottenham ay 26 cayaartay.

Chelsea, oo ah kooxda sanadkii hore koobka qaaday hadda booska shanaad ayay ku jirtaa oo 44 ayay leedahay.

Waxaa liiska ugu hoosaysa kooxda Wolves oo 24 dhibcood leh, West Ham ayaa hal dhibic ka saraysa, iyadoo Wiganna ay 27 leedahay, West Brom ayaa iyaduna 27 leh.