Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysiga HRW iyo Jawaabta AMISOM

Image caption Ciidamda AMISOM oo ku dagaalamaya magaalada Muqdisho dhexdeeda halkaas oo ay rayada badan ku dhintaan kuna dhaawacmaan

Kooxda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay warbixin ay ku eedaynayso dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho in ay sharciyo caalami ah jabiyeen.

Waxay sheegeen in dadka rayidka ah ay dhibaato kala kulmayaan kooxaha maleeshiyada al-Shabaab iyo ciidamada Midowga Africa.

Waxay sheegeen in mararka qaar ciidamada AMISOM ay si xoog leh u duqeeyaan goobaha rayidku degan yahay.

Falalka ay ku kacayaan ayaa HRW ay ku tilmaantay dambiyo dagaal.

Tirana Hassan oo ka tirsan kooxda Human Rights Watch ayaa BBC qaybta Focus on Africa kala hadashay.

Waraysigaas Tirana Hassan oo ka tirsan Human Rights Watch ayaa la dhagaysiiyay lieutenant Colonel Felix Kulaigye, afhayeenka ciidamada dalka Uganda ee hogaanka u ah ciidamada AMISOM jawaab ayuuna ka bixiyay.