Burcad baddeed lagu xukumay 33 sano

Burcad maxkamad la saarayo Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Cabdi Weli waxa lagu xukumay 33 sano oo xarig ah

Burcad baddeed Soomaali ah oo weeraray markab Maraykanka laga leeyahay sanadkii 2009kii ayay ku xukuntay maxkamad ku taalla New York soddon iyo saddex sano.

Cadi Wali Cabdulqaadir Muse ayaa qirtay danbigiisii inuu afduubay markabka xamuulka ee Maersk Alabama, saddex ka mid ah nimankii isaga afduubka la sameeyay waxaa la dilay markii markabka la soo bad baadinaayay.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Cadar Cabdiraxmaan Xasan waa hooyada Cabdi Weli

Abdiwali Abdulkadir Muse oo maxkamadda ka hor qirtay eedo loo haystay oo isugu jiray qafaalsho markab iyo dad la afduubay.Abdiwali waxaa lagu qabtay hawlgal ay ciidamada badda Mareykanka ku soo furteen markab Maersk Alabama la yiraa oo badweynta India lagu qafaashay April 2009.

Saddex ka mid ahaa raggii la socdayna waxaa lagu dilay hawgalkaasi ciidamada Mareykanka ay fuliyeen.

Hooyadii oo la yiraahdo Cadar Cabdiraxmaan oo joogta magaaladfa Galkayco ayaa sheegtay inay rajeyneysay in wiilkeeda la cafinayo oo la sii deyn doono, laakiin waxa ay sheegtay in taasi haddii aanay dhacayn in la keeno Soomaaliya si uu ugu dhameysto xarigga.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Aabaha burcad badeedka Cabdulqaadir Muuse Geeddi

Dhinaca kale haweeneyda masuulka ugu sareeya dowladda Mareykanka arrimaha la dagaalalnka burcad badeedda Soomaaliya, ayaa waxa ay ku tilmaantay hawlgalka burcad badeednimo ee Soomaaliya inuu yahay mid laga dhigay mid malaayiin dollar laga sameeyo oo leh shebakado caalami ah oo isku xiran.

Hadalada ergeyga burcad badeeda u qaabilsan mamulka Obama waxay ku soo beegmeen xukun ay shalay maxkamad New York ku taal ku xukuntay 33 sano oo xarig ah nin somali ah oo la