Dowladda KMG ah oo xirtay shan qof

Image caption Raiisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi

Dowladda Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiray shan qof oo looga shaki qabo in ay lug ku layaaheen dad maalintii Talaadadii Muqdisho ku mudaahraaadayay oo rasaas inta lagu furay, oo lagu dilay afar qof, sideed kalena la dhaawacay.

Waxaa warka xariga Shanta qof oo uu ku jiro duqii hore ee magaalada Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dhheere) kaga dhawaaqay shir jaraaid oo ay wadajir u qabteen Ra'iisal wasaaraha Somaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed iyo ku xigeenadiisa.

Shanta qof ee la soo xiray ayaa waxa ay magacyadooda kala yihiin:

Maxamed Cumar Xabeeb

Cabdi Qeybdiid

Nuur Cali Yalaxoow

Maxamed Raage Tifoow

Cali Nuur Maxamed

Waxa ay sheegeen in baaritaan ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee dowladda KMG ah iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ay dadkan ku soo qabteen isla markaana, ay cadaaladda horkeeni doonaan cidii danbiga geysatay.

Dadka la laayay ayaa waxa ay ku mudaharaadayeen agagaarka Ex-Fiyoore, markii rasaas ay ku fureen rag hubeysan.

Raiisul wasaaraha ayaa waxa uu sheegay inay tacsi u dirayaan eheladii dadkaasi ay ka geeriyoodeen.