Burundi oo sheegtay in lix askari laga dilay

Lahaanshaha sawirka Ather
Image caption Ciidanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Ciidamada waddanka Burundi ayaa sheegay in lix ka mid ah ciidamadooda ka jira hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

12 kale oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu dhaawacay dagaalka.

Dagaal cusub ayaa qarxay markii al-Shabaab ay isku dayday inay dib u qabsadaan meelo ay ka qabsadeen ciidmada Midowga Afrika oo gacan ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Arbacadii ayaa ciidanka Midowga Afrika waxa ay sheegeen inay saldhigyo istaraatiiji ah ka qabsadeen kooxda al-Shabaab.

Weriye BBC ka tirsan oo jooga Muqdisho ayaa sheegay in al-Shabaab ay soo bandhigeen meydadka shan ciidanka Burundi ah iyo askari Burundi ah oo ay qabsadeen.

Dagaallada magaalada Muqdisho ayaa weli waxa ay ka dhacayaan jidka Warshadaha.

Labada dhinac ee dagaallamaya ayaa mid walba waxa uu sheeganayaa in guullo uu ka gaaray dagaalka, isla markaana ay hub iyo gawaari ka qabsadeen dhinaca kale.

Ugu yaraan 20 dhinacyada dagaallamaya u badan ayaa ku dhintay dagaalka.

Dowladda KMG ah iyo Ciidamada AMISOM ayaa sheegtay inay goobo muhiim ah ka qabsadeen kooxaha islaamiyiinta.

Afhayeen u hadlay al-Shabaab ayaa beeniyay hadalkaasi oo sheegay in wali ay joogaan xaruntii hore ee Gaashaandhiga.