Rabshadaha Libya oo ka sii daray

Banaanbaxyada  Libya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption In kabadan laba boqol iyo soddon qof ayaa ku dhintay tan iyo toddobaadkii hore bannaanbaxyada

Diblomaasiyiinta Libya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa ku baaqay in Libya lagu sameeyo faragelin caalami ah.

Ku Xageenka Danjiraha ayaa ku baaqay in dadka Libya laga badbaadiyo waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ay dowaladdu waddo.

Waxaa uu ku baaqay in magaalada Tripoli ee caasimadda ah laga dhigo meel ka caaggan dayaaradaha, halkaas oo warar aan la xaqiijin ay sheegeen in ugu yaraan hal dayaarad uu kuwa dagaalka ah ay dad bannaanbaxaya rasaas ku rusheysay.

Wasiirka Garsoorka ayaa hore loo sheegay in uu is casilay.

Laba dayaaradood oo kuwa dagaalka ah oo Libya ay leedahay ayaa si lama filaan ah uga degay jaziiradda Malta.

Duuliyayaasha oo labaduba ah Colonel waxay sheegeen in amar lagu siiyay in ay duqeeyaan dadka bannaanbaxaya.

Labaduba waxay wedyiisteen magangelyo siyaasadeed.