11 qof ayaa ku dhimatay weerar is-qarxin ah

Weerar qof is-qarxiyay
Image caption Weerar qof is-qarxiyay ku qaaday saldhig boliis

Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta si xooggan u cambaareysay weerar naftii-halligis ah oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Muqdisho.

11 qof ayaa naftooda ku waayay weerarka, iyadoo 35 kalena ay ku dhaawacmeen. 15 ka mid ah dhaawaca isbitaalka waa laga bixiyay kaddib markii la daweeyay, iyadoo 20 kalena ay weli isbitaalka ku jiraan. Dadka dhintay waxaa ka mid ah laba carruur ah oo kala jiray 10 iyo 11 sano jir oo ka ag dhowaa goobta.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ahaa dad rayid ah oo ay ka mid ahaayeen dad meesha ku sameynayay orod jimicsi ah.

Wasiirka Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta, ayaa yiri:

“Wuxuu ahaa weerar fulaynimo ah. Kooxda xagjirka ah waa caadadooda in mar kasta oo ay ku jabaan goobaha dagaalka inay bar-tilmaameedsadaan meelo jilicsan.”

“Hase ahaatee ciidankeenu kuma niyad-jabayo falalka qaska ku dhisan, wayna sii wadi doonaan tallaabooyinka ay ka qaadayaan inay dalka ka baabi’iyaan xagjirka iyo argagixisada.”

Weerarkan ayaa imanaya maalmo kaddib markii Al-Shabaab ay ku weysay saraakiil sare oo shisheeye ah iyo dagaalyahanno Soomaali ah kaddib markii ciidanka Dowladda iyo AMISOM ay qaadeen hawl gallo iyaga ka dhan ah.