Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay dagaalka

Image caption Madaxweyne Shariif Shiiq Axmed

Magaalada Beled Xaawo ayaa waxaa Madaxweynuhu sheegay in ay gacanta u soo gashay dowladda iyada oo Beled Weynana uu dagaal ka socdo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Warshadda Caanaha iyo Rugta Saraakiisha ee Muqdisho ay ka mid yihiin goobaha gacanta u soo galay dowladda.

Go'aanka ku saabsanaa kororsiimada xilliga baarlamanka ayaa Madaxweynuhu sheegay in uu ku diiday oo dib ugu celiyay baarlamaanka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu baarlamaanku xaq u leeyahay in uu gaaro go'aan noocaas ah hase yeeshee aan la soo marsiin dariiqii saxda ahaa.