Dagaalada Libya oo wali socda

Iyadoo ay mucaaradka dowladda Qaddafi ay la wareegayaan meelo badan bariga Libya, waxaa jira warar sheegaya in ay iska horimaad ka dhaceen magaalooyin galbeedka Libya.

Lahaanshaha sawirka Reuters (audio)
Image caption Mucaaradka Libya

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya inay jirto cabsi badan mgaalada Tripoli oo ay ilaalinayaan askar taangiyo wadato oo taageersan Colonel Qadafi.

Wiilka Qadafi Seif Al Islam ayaa beeniyay in dowladda ay diyaarado ku weerartay magaalooyin, wuxuuna sheegay in dhimashada la sheegayo ay tahay mid la badinayo.

Hogaamiye beeleedyada mucaaradaka iyo siyaasiyiinta ayaa ku kulmay magaalada Al bayda ee bariga Libya, si ay u muujiyaan inay ka midaysan yihiin ka soo horjeedka dowladda Qaddafi.

Sawirro la iska tusiyay Telefishinka Aljazeera ayaa wakiilada ay qudbeynayeen, dadka kalena ay ku qaylinayeen magaalo madadeena waa Tripoli.

Wasiirkii hore ee cadaalada ee Libya Mustafa Cabdal Jalil oo iska casilay dowladda ayaa sheegay, inaan lala heshiinayn colonel Qaddafi wuxuuna ku baaqay inuu is casilo.

Qaxootiga Soomaalida

Hayadda Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaalada siddeed kun oo qaxooti ee jooga Libya.

Afhayeenka UNHCR Adrian Edwards ayaa BBCda u sheegay in qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Eritaria ay ammaankooda u cabsanayaan, wuxuu sheegay in ay qaxootiga ka baqayaan inay guryahooda ka baxaan.