Konton iyo toddobo ku dhimatay Badda

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ayaa sheegtay in konton iyo shan Soomaali ah ay doon kula gadoontay badda Gacanka Cadan horaantii Toddobaadkan.

Nin kaliya ee ka badbaaday ayaa soo dabaashay hal maalin intuusan imaan xeebta Yamen.

Ninka xaaskiisa iyo carruurtiisa waxay ku dhinteen doonta. Waa dadkii ugu badnaa ee ku dhinta inta u dhaxaysa biyaha Soomaaliya iyo Yeman tan iyo 2008dii mar ay ku dhinteen boqol iyo afar iyo toban qof.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Gacanka Cadan uu yahay meelaha ay dadka ugu badan ee dagaalka ka soo cararaya ay ku dhinteen.