Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baraagihii Kalshaale waa la aasay

Image caption Baraagihii Kalshaale ee dagaalka keenay waa la duugay

Mas'uuliyiin fara badan oo isugu jira dowladda Somaliland iyo kuwa gobolka Togdheer ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu aasayay baraagihii ay ka dhalatay colaadda ay dadka badani ku dhinteen ee dhexmartay labo beelood oo wada dega agagaaraha Buuhoodle.

Madaxdii halkaas ka hadashay waxay sheegeen in baraagaha lagu dumiyay amar uu bixiyay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyadoo aan lagala tashan beeshii qodatay baraagaha.

Waxay sheegeen in sidaas loo yeelay si nabad loo helo haddiiba ay ku xirnayd baraagaha Kalshaale.