Dowladda Soomaaliya ayaa go'aanno soo saartay

Golaha dowladda ee Soomaaliya
Image caption Ra'iisal wasaaraha dowladda kumeelgaarka ee Soomaaliya

Go'aannada ka soo baxay shirka dowladda ku-meel-gaarka oo la xiriira muddo kordhintii baarlamaanku dhowaan samaystay, uuna guddoominayay ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi, waa kuwan:

Jaangoynta iyo fulinta siyaasadeed iyo maamulka dalka waxaa mas'uul ka ah hay'adda fulinta oo ah xukuumadda federal-ka kumeelgaarka ah, sidaasi darteed waa in hay'ad waliba hawsheeda ku ekaato, sida ku cad axdiga qaranka.

Sida ka muuqata qoraalka madaxweynuhu uu ku celiyay baarlamaanka ee ku aaddanaa qorshaha xilliga kala guurka, soo diyaarinta qorshaha siyaasadeed iyo marxaladda kala guurka waxaa dastuur ahaan iska leh xukuumadda kumeelgaarka ah, sidaa awgeed waa in hay'ad waliba ay ku ekaato awooddeeda dastuuriga ah, ixtiraamtana shuruucda dalka.

Xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa xubnaha baarlamaanka inay ka qayb qaataan dadaalka nabad soo celinta dalka

Dhowaan ayaa madaxweynuhu, Shariif Sh. Axmed, qoraal uu u gudbiyay baarlamaanka waxaa uu u jeediyay inay dib u eegaan go'aankii ay muddada ku kordhisteen muddada saddexda sano, isagoo sheegay in xukuumaddu ay sharci ahaan u xilsaaran tahay in dalka ay ka saarto marxaladda kala guurka, sidoo kale-na la tixgeliyo soo jeedinta beesha caalamka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa dad badani waxay u arkaan khilaafkii madaxda sare ee dowladda oo soo noolaanaya iyadoo guddoomiyaha baarlamaankuna uu weli ku adkaysanayo go'aankii muddo kordhinta.