Isbadalka gargaarka caalamiga ee Britain

Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Andrew Mitchell
Image caption Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Andrew Mitchell ayaa maanta kku dhawaaqaya isbadalada Horumarinta caalamiga

Dowladda Britain ayaa maanta ku dhawaaqi doonto isbadal wayn oo lagu sameeyay lacagta lagu bixiyo gargaarka caalamiga.

Markii ugu horaysay ayaa Itoobiya ay noqon doontaa wadanka hela gargaarka ugu badan, halka lix iyo toban wadan oo ay ku jirto Angola aysan heli doonin gargaar.

Somaaliya, Pakistaan iyo Yemen ayaa ka mid ah dalalka loo kordhin doono gargaarka.

Lacagta gargaarka ayaa waxaa la qorshaynayaa in lagula dagaalamo saboolnimada inta aan la gaarin sanadka 2015ka, iyadoo lagu qarashgarayn doono dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo in laga caawiyo gabdhaha iyo haweenka.