Burcad qabsatay doon Denmark laga leeyahay

Lahaanshaha sawirka AFP

Burcad badeedda Badwaynta India ayaa qabsaday doon ay saaran yihiin ilaa 7 muwaadiniinta u dhashay dalka Denmark oo ay ku jiraan 3 caruur ah.

Saraakiisha dalka Denmark ayaa sheegay in doontu ay hadda ku sii jeeddo dhinaca Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa burcad badeed Soomaali ah ay dileen ilaa afar Maraykan ah oo ay haysteen oo saarnaa doon ay qabsadeen.

Burcadbadeedda ayaa kordhiyay baaxadda ka baxsan xeebaha bariga africa ee ay ka ugaarsadaan si ay uga weecdaan gacanka cadmeed oo ciidamada badda caalamiga ah ay kordhiyeen kormeerkooda.