Ciidamada Qaddafi oo dib u qabsaday magaalo

Mucamar Qaddafi oo ka hadlay maanta telefishinka Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Mucamar Qaddafi oo ka hadlay maanta telefishinka

Ciidamo taageersan hogaamiyaha Libya Mucamar Qaddafi ayaa soo weeraray magaalada Al-Brayqa oo ah magaalo leh saldhig wayn oo shidaal.

Telefishinka dowladda Libya ayaa sheegay in dowladda ay hadda maamusho gegida dayuurada iyo dekada, laakiin mucaaradka ayaa sheegay in weerarka ay ka hortageen.

AL-Brayqa ayaa waxay u dhow dahay Ajdabiya oo ah magaalada ugu wayn ee u dhow Bengazi.

Wariyaha BBCda ayaa ka soo hadlayay Ajdabiya markii diyaarada Libya ay bobmka ku soo rideen saldhig hub oo wayn ee magaalada.

Maxkamada caalamiga ee danbiyada ee ICC ayaa sheegtay inay furayso baaritaano danbiyo loo malaynayo in loo gaystay dadka reer Libya.

Dacwad oogaha sare Luis Moreno-Ocampo ayaa sheegay, inuu arkay cadaymo uuna aaminsan yahay in baaritaano la sameeyo.

Dadka baaritaanada lagu samaynayo ayaa la magacaabi doonaa Khamiista.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waydiistay maxkamada danbiyada ee caalamiga, inay baarto xooga ay dowladda libya u isticmaashay inay uga hortagto dadka mudaaharaadaya.