Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shariif Xasan oo ka warramay shirka Accra

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan

Shir looga hadlayay xaaladda Soomaaliya oo saddex maalmood ka socday magaalada Accra ee caasimadda Ghana ayaa la soo gabagabeeyay.

Shrika oo uu qabanqaabiyay Midowga Afrika ayaa waxa ka qeybgalay wakiilo ka socday 50 baarlamaan oo ka jira qaaradda Afrika, oo uu ku jiro baarlamaanka Soomaaliya.

Shirka oo sidoo kale ay ka qeybagaleen ururro goboleed iyo kuwo caalami ah ayaa looga doodayay qaabkii lagu soo gabagabeyn lahaa nidaamka KMG ah ee dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliyaoo wakhtigooda sida uu dhigayay heshiiskii Djibouti ku eg bisha August 2011.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ugu qaabilsan hawlgalka AMISOM, isla markaana ah madaxa hawlgalka AMISOM Danjire Boubacar Diarra, ayaa sheegay inay go'aansadeen in wakhtiga KMG ah la soo gabagabeeyo.

Dhinaca dowladda KMG ah waxaa shirka ka qeybgalay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo wareysi uu siiyay BBC sheegay in shirka ay ka sharaxeen sababta ay wakhtiga u kororsadeen.