Diyaaradaha Libya oo weeraray Brega

Mucaaradka Libya oo isku diyaarinaya dagaal Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mucaaradka Libya ee magaalada Brega oo isku diyaarinaya dagaal

Diyaaradaha dagaalka ee Libya ayaa weeraray magaalada Brega ee ay mucaaradka maamulaan. Afhayeenka mucaaradka ayaa sheegay, in diyaaradaha ay bomb ku rideen garoonka diyaarada ee Brega oo ay ku taallo meel ka mid ah gareenka oo saliida shidaalka laga dhoofiyo iyo ciidamo mucaaradka oo joogay magaalada Ajdabiya.

Shalay ayay soo weerareen ciidamada Qaddafi magaalada, laakiin mucaaradka ayaa dib u qabsaday magaalada.

Xoghayaha gaashaandhiga ee Maraykanka Robert Gates ayaa sheegay, si Libya loogu soo rogo xayiraad duulimaadyada in loo baahan yahay marka hore in la burburiyo awooda difaaca cirka ee Libya.

Dhinaca kale safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Golaha Ammaanka uuu tixgaliyo fikradaha dalaka Carabta iyo Afrikaanka.