Muddaharaadyada dalka Libya ka dhacaya

Gaaska dadka ka ilmeysiiya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Gaaska dadka ka ilmeysiiya

Xoogaga ammaanka ayaa gas-ka dadka ka ilmeysiiya ku furay dad muddaharaadaya caasimadda dalka Libya ee Tripoli salaaddii Jimcaha kaddib. Muddaharaadyadu waxay dhaceen iyadoo ay joogeen milateri fara badan oo loogu tala galay inay ka hortagaan muddaharaadka duleedka Tajoura, halkaas oo ahayd goob ay hore uga dhaceen muddaharaadyo looga soo horjeedo xukunka kornayl Qaddaafi. Weriye BBCda ka tirsan oo jooga magaalada Tripoli waxaa uu leeyahay muddaharaadyadani waxay tijaabo muhiim ah u yihiin gacan ku haynta maamulayaasha ee magaalada caasimadda ah.

Meelo kale oo dalka Libya ka tirsan, waxaa jiray dagaallo kale oo ka dhacay bariga iyo galbeedka waddanka. Wararka mid ka mid ah waxaa uu sheegayaa in dagaallo dhexmareen dagaalyahanno mucaaradka iyo xoogag daacad u ah kornayl Qaddaafi, kuwaas oo ka dhacay magaalada Zawiya oo 50KM galbeed ka xigta Tripoli.