Sudan oo ogolaatay in ay qaabisho Soomaalida ku sugan Libya

Qaxooti dalal badan oo ka cararaya Libya Lahaanshaha sawirka AP

Dalka Sudan ayaa ka aqbalay jaamacadda carabta in uu qaabilo Soomaalida ku xayiran dalka Libya ee dagaaladu ay ka socdaan.

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Jaamacada Carabta ay ka soo jawaabtay codsi ay horey dowladdu ugu gudbisay kaas oo ah in muwaadiniinta Soomaaliya u dhashay laga soo badbaadiyo Libya.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga anha raisul wasaare ku xigeen dowladda ku meelgaarka ah Cabdiweli Maxamed Cali oo shir jaraaid Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay Soomaalida Libya ku sugan in ay daadgurayntaas u diyaargaroobaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku wargalinayaan muwaadiniinta ku sugan Libya in ay u diyaargaroobaan in si nabad ah looga soo daadgureeyo Libya oo la geeyo dalka Sudan.

Wuxuu xusay in 2000 ilaa 2700 oo Soomaali ah loo sheegay in ay ku sugan dalkaas, isagoo sheegay in Jaamacadda carabtu ay aqbashay codsi uu u diray madaxwaynaha Soomaaliya.

Qorshaha, ayuu sheegay in uu hadda uun bilow yahay, ayna tahay sababta ay wargalinta u bixinayaan si dadku ugu diyaargaroobaan in laga soo badbaadiyo dalka Libya.

Faahfaahin intaas dheer ma uusan bixin.