Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shabaab oo laga qabsaday Luuq

Image caption Maliishiyo ka tirsan al-Shabaab

Xoogag taageersan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa saaka la wareegay magaalada Luuq ee gobolka Gedo, kadib markii sida la sheegay ay xalay halkaasi ka baxeen xarakad al-Shabaab oo magaaladaasi horey gacanta ugu heysay.

Wararka gobolka Gedo ka imanaya waxaa kale oo ay sheegayaan in magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Ceel Waaq iyo Garbahaareey ay Shabaabku xalay ka bexeen.

Horey waxaa al-Shabaab looga qabsaday magaalada Beled xaawo oo dagaallo ay ku dhexmareen iyaga iyo ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna wal jameeca.