Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Golaha Ammaanka oo ka shiraya Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Somaaliya oo marxalado dagaal oo kala duwan soo martay labaatan sano iyo in ka badan, ayaa maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ka yeelanayaa fadhi khaas ah oo looga hadlaayo sida loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

Fadhigan Golaha Ammaanka ee maanta ayaa Qaramada Midoobay ku eegi doontaa sidii uu caalamka u caawin lahaa dowladda Somaaliya oo dagaal kula jirta kooxda Alshabaab.