Ciidamada Qadafi oo dib u qabsanaya magaalooyin

weerarka cirka ee ay dowladda ku hayso mucaaradka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption weerarka cirka ee ay dowladda ku hayso mucaaradka

Ciidamada daacada u ah hogaamiyaha Libya Colonel Qadafi ayaa weerar ku haya meelihiii ay qabsadeen mucaaradka iyagoo dib un qabsaday magaalooyin.

Qarax ayaa laga maqlay magaalada Ajdabiya oo ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan ee uu mucaaradka ka taliyo.

Madaafiic waawayn ayaa laga maqlay magaalada saddexaad ee ugu wayn Libya ee Misrata ee ay mucaaradka maamulaan.

Waxaa jira warar is qilaafsan oo sheegaya cida gacanta ku haysa magaalada Brega, kadib markii ay ciidamada dowladda ay dhulka iyo cirka ay ka soo weerareen magaalada.