Dadaalka qaboojinta saldhigga nuclear oo la hakiyay

Khatarta shucaaca nuclear-ka Japan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Khatarta shucaaca nuclear-ka Japan

Dadaalka lagu qaboonayo ee lagu xasilinayo dab-dhaliyaha xarunta nuclear Japan ee Jimcihii ku waxyeeloobay dhulgariirka iyo tsunami ayaa dib loo dhigay iyadoo ay ugu wacan tahay heerka radiation-ka oo sare u kacay.

Hase yeeshee afhayeenka dowladda ayaa sheegay in hadda uu hadana hoos I sii dhacayo.

Wuxuu intaas ku daray in qiiq cad oo aroortii saaka laga soo sheegay goobka ay suurtagal tahay in uu yahay uburka ka soo baxayay biyaha, kaasoo sababay shucaaca ama radiation-ka sareeya.

Afhayeenka ayaa sheegay qayb xadidaada dab-dhaliyaha ee saldhigga in laga yaabo in dhaawac uu soo gaaray.

Goobo ku meelgaarka ah ayaa loo sameeyo ilaa nus million dhibane oo dhulgariirka uu saameeyay balse waxaa jira yaraansho dhinaca biyaha, cuntada, shidaalka iyo bustayaasha.

Dadka badbaaday ayaa u dulqaadanaya qabow iyo cimilo heerkooda lagu barafoobayo, iyadoo hadda uun bilowdeen sahaydu in ay gaarto goobaha dhibaatadu gaartay.

Waddooyinka waawayn ee gobolka ayaa inta badan la baneeyay iyadoo ciidamadu ay helicopterro adeegsanayaan sahayda aasaasiga ah si ay dadka u gaarsiiyaan.

Ilaa ku dhowaad sadex kun iyo shan boqol ayaa la hubaa in ay ilaa hadda dhinteen.