Burcad lagu xukumay xabsi daa'in

Shanta nin ee burcadda oo maxkamada jooga Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Shanta nin ee burcadda oo maxkamada maraykanka jooga

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa ku xukun tay shan burcad baddeeed Soomaali ah inay xabsiga ku jirayaan noloshoooda inta ka hartay, iyadoo lagu eedeeyay inay ku weerareen Markab dagaal oo uu Maraykanka leeyahay xeebta Somaaliya agteeda sanadkiii hore.

Danbi oogayaasha maxkamada ayaa sheegay in burcadda ay ku qaldameen markabka dagaalka ee Maraykanka inuuu yahay mid xamuul.

Qareenada u doodayay burcadda ayaa sheegay in shanta nin ay ahaayeen kaluumaysato lagu qasbay inay burcadnimo sameeyaan, oo ay weeraraan markabka Maraykanka.

Markabka dagaalka ee Maraykanka ayaa ka mid ahaa maraaakiibta dagaalka ee caalamiga ee ka ilaalinaya burcada badaha Soomaaliya agteeda.