Ciidamada Qadafi oo sii wada weerarka mucaaradka

Mucaaradka Libya ooo dagaalamaya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Mucaaradka Libya ooo dagaalamaya

Ciidamada Libya ee daacada u ah Mucamar Qadafi ayaa weerar ku qaaday magaalada Misrata oo laba boqol oo kilo meter ka xigta bari magaalada Tripoli.

Dadka degan magaalada ayaa sheegay in Taangiyo iyo madaafiic lagu garaacay magaalada shalay.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa weerarkooda ka sii wada magaalada Ajdabiya. Hadii ay dowladda qabsado Ajdabiya, waxay waddada u furaysaa in la weeraro magaalada mucaaradka saldhiga u ah ee Benghazi.

Colonel Qadafi ayaa mar kale ka sheegay Telefishinka dowladda in uu rabo inuu jabiyo mucaaradka.

Faransiiska ayaa sheegay inuu ka helay balanqaadyo dalal badan oo carab ah inay ka qayb qaadan doonaan in lagu soo rago xayiraad dhinaca duulimaadyada hawada Libya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Alan Jupe ayaa sheegay in xayiraada duulimaadyada uu ciidanka cirka ee Qadafi ka dhigi doono midaan awood lahayn.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diyaarinaysa go'aanka lagu soo rogaayo xayiraada duulimaadyada.

Golaha Ammaanka ayaa ku kala qaysan iyadoo Britain, Fransiiska iyo Labnan ay doonayaanin la xayiro weerarka diyaaradaha ee lagu qaadayo mucaaradka.