Dhimashada Japan oo sii kordhaysa

Helikobtarada Japan ooo u isticmaalaya in ay biyaha badda ku qaboojiyaan saldhiga Nuckliyeerka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Helikobtarada Japan ooo u isticmaalaya in ay biyaha badda ku qaboojiyaan saldhiga Nuckliyeerka

Dowladda Japan ayaa sheegtay inay ilaa hadda og tahay ilaa shan kun iyo laba boqol oo qof inay ku dhinteen dhul gariirka. Ilaa toban kun oo kalena ay maqan yihiin.

Qabow badan oo jira ayaa dhib ka dhigay gar gaarkiii dadka la siinayay, inkastoo ay gargaar gaareen meelo badan.

Laakiiin gudooomiyaha gobolka uu saldhiga nuckliyeerka ku yaalo ayaa ka cawday in dadka aysan haysan cunto ku filan iyo waxyaabo badan oo darruuuri ah.

Lix bari ka bacdi markii uuu Japan ka dhacay dhul gariirka iyo Tsunamiga, Shiinaha ayaa ku guubaabisay Japan inay dhiibto warbixino sax ah oo ku saabsan xaalada Nuckliyeerka.

Talaabadan ayaa ka danbaysay iyadoo ay socoto dadaalo lagu xalinaayo dhibaatada saldhiga Nuckliyeerka ee Fukushima.

Horaantii ayay Shiinaha uu kudhawaaqay inay joojinayso saldhigyo kale ooo Nukliyeer ah ooo laga dhiso dalkeeda ilaa la ogaado inay ammaan yihiin.

Sidooo kale shiinaha wuxuuu amar ku bixiyay ammmanka saldhigyada nukliyeerka ee hada dalka ka jira.

Afhayeenka Raiisal wasaaraha Shiinah ayaa waraysi uu siiyay Bbcda ku sheegay in saldhiga Nukliyeerka ee Fakushima uusan qatar ku hayndadka dagan magaalo madaxda Japan ee Tokyo.