Dowladda Libya oo ku dhawaaqday xabbad joojin

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dowladda Libya oo ku dhawaaqday xabbad joojin

War goor dhoweyd ka soo baxay dowaldda Libya waxaa uu sheegayaa in dowladdu ku dhawaaqday inay si dhakhso ah u hakinayso weerarkii milateri ee ay ku haysay mucaaradka kornayl Qaddaafi. Wasiirka arrimaha dibadda ee Libya waxaa uu sheegay in tallaabadaas loo qaaday si dadka rayidka ah loo ilaaliyo iyadoo la raacayo qaraarka ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiirku waxaa uu sheegay in golaha ammaanku uu si aan macquul ahayn uga jawaabay arrinta Libya iyadoo uu goluhu oggolaaday in xoog milateri loo adeegsado Libya. Waxaa uu sheegay inay tani tahay ku xadgudub xeerka Qaramada Midoobay iyo qaranimada dalka Libya.