Habeenkii 3-aad oo la duqeeyay Libya

Tomahawk guided-missile Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Duqeynta Libya

Dagaal ka sii socday dhinaca dhulka gudaha dalka Libya inkastoo diyaarado caalami ah ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen ciidamada Colonel Gaddafi.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dileen ciidamada daacadda u ah hogaamiyaha Libya magaalada Misrata, oo ah magaalada kaliya ee dhinaca galbeedka ee mucaaradka Libya ay ku xoog badan yihiin.

Dhinaca bariga, ciidamada dowladda ayaa tank-yo u adeegsatay si ay u joojiso mucaaradka oo isku dayay in dhinacooda u soo dhaqaaqaan.

Waxaa qaraxyo iyo hubka lidka diyaaradaha laga ridayay ay ka jireen caasimadda Libya ee Tripoli habeenkii sadexaad oo xiriir ah.

Xukuumadda Libya ayaa sheegtay in saldhig ciidamada baddu leeyihiin iyo tuulo kalluumayso oo caasimadda u dhow dhinaca cirka laga weeraray.