TFG iyo Shabaab oo Muqdisho ku dagaallamay

Shan qof ayaa ku dhintayn dagaal maanta ka dhacay Muqdisho.

Wuxuu u dhexeeyay ciidanka dowladda oo taageero taangiyo ah ka heleyay ciidanka Afrika ee AMISOM iyo kooxda Shabaab.

Labada dhinacba guulo ayay sheegteen.

Waxaa kale oo labada dhinac mid waliba kan kale uu ku eedeeyay in uu isagu duullanka doo qaaday.

Abaanduulaha ciidanka dowladda ayaa soo bandhigay laba meyd ah oo uu sheegay in ay ka dileen Shabaab.

Boondheere, Hodon iyo Hawlwadaag ayay ahaayeen xaafadaha Muqdisho ee lagu dagaallamay.