Britain oo maalgalinaysa la dagaalanka burcad-badeedda

William Hague Lahaanshaha sawirka FCO
Image caption William Hague, xoghayaha arrimaha dibedda Britain

Dowladda Britain, ayaa sheegtay in ay ku dhowaad toban million oo doolar ku bixin doonto howlgalada la dagaalanka burcadbadeeda badwaynta India.

Xoghayaha arrimaha dibedda, William Hague ayaa sheegay in inta badan lacagta la siin doono barnaamijka qaramada midoobay ee lagula dagaalamayo burcad badeedda.

Mr Hague ayaa sheegay in lacagta loo adeegsan doono kordhinta awoodda sharciga lagu horkeenayo laguna xirayo burcadda gudaha dalka Soomaaliya, dalka iyo Kenya iyo dalka Seychelles.

Wuxuu sheegay in lacagta inteeda kale lagu maalgalin doono qalabka diyaaradaha ee dabagalka si sawiro iyo videoa tayo leh loo soo duubo oo loo adeegsan karo in cadayn burcadbadeednimo gudaha maxkamadaha marka xukun lagu qaadayo burcadda.