Shan askari oo lagu xukumay Muqdisho

askar Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Maxkamadda militeri ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku xukuntay shan askari xabsi u dhexeeya labo ilaa afar sano.

Ciidamada ayaa lagu helay danbi ah inay dhibaato u geysteen dad rayid ah.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in ciidankaasi ay ka tageen saldhigoodii iyagoo aan wax fasax ah qaadan, kiyagoo hubeysan, kadibna ay ka sameeyeen hab dhaqan aan sharci ahayn degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Maxkmadda ayaa ka digtay in tallaabooyin adag ay ka qaadi doonto askarigii dowladda ka tirsan ee ku xadgudba dadka rayidka.